Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo Guud ahaan Gobolka Hiiraan xilligaan kajirta Abaar daran iyo xaalad macluul oo saameeysay dadka barakacayaasha ah, taas oo keentay in Carruur farabadan ay nafaqa darro u geeriyoodaan.Qoysas kasoo barakacay degaannada kale ee Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Bedweyne, waxaana mid kamid ah Xerooyinka ay kunool yihiin ay Carruur ugu geeriyoodeen nafaqa darro.Hooyo Caamilo Ibraahim Cusmaan oo kamid ah dadka kunool Xerooyinka barakacayaasha Beledweyne ayaa sheegtay in mid kamid ah lix Carruur ah oo ay dhashay uu nafaqo darro u geeriyooday, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ugu baaqday in loo soo gurmado.Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa dhankiisa sheegay in dadka kujira ilaa lix Kaam oo kuyaalla Magaalada Beledweyne ay isugu jiraan dad kasoo barakacay, Abaaraha, Coolaad Beeleedyada iyo dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo xilligaan ay heystaan dhibaatooyin kala duean.Todobaadkii hore ayay aheyd markii ilaa lix Carruur ah ay xaaladdo nafaqa darro ugu geeriyoodeen xerooyin kuyaalla degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Wasiirka Caafimaadka oo sheegtay in dad cusub laga helay cudurka Coronavirus 27/08/2020 Labadda Kuuriyo oo Rasaas isku weydaarsaday xuduuda 03/05/2020 Wabiga Shabelle oo ka fatahay deegaano ka tirsan degmada Jowhar 01/05/2021 Faah Faahin: Rag Hubeysan Oo Ka Dhex Dagaalamaya Hotel Ku Yaal Magaalada Muqdisho 20/08/2022 Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda 22/09/2023 RW Soomaaliya oo si adag u Cambaareeyay weerarkii lagu laayay dadka shacabka ahaa ee ka dhacay Gobolka Hiiraan 03/09/2022 Maxkamadeynta Askari Qof Shacab ah u dilay laba Kun Shillin Soomaali ah oo bilaabatay 05/07/2020 Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 19/01/2023 Manchester City Oo Old Trafford ku Dhex Jiid-jiidday Manchester United, Kaalinta 2aadna Kala Baxday Liverpool 06/11/2021 Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlay Weerarkii ka dhacay Muqdisho 11/02/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.