Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo Guud ahaan Gobolka Hiiraan xilligaan kajirta Abaar daran iyo xaalad macluul oo saameeysay dadka barakacayaasha ah, taas oo keentay in Carruur farabadan ay nafaqa darro u geeriyoodaan.Qoysas kasoo barakacay degaannada kale ee Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Bedweyne, waxaana mid kamid ah Xerooyinka ay kunool yihiin ay Carruur ugu geeriyoodeen nafaqa darro.Hooyo Caamilo Ibraahim Cusmaan oo kamid ah dadka kunool Xerooyinka barakacayaasha Beledweyne ayaa sheegtay in mid kamid ah lix Carruur ah oo ay dhashay uu nafaqo darro u geeriyooday, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ugu baaqday in loo soo gurmado.Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa dhankiisa sheegay in dadka kujira ilaa lix Kaam oo kuyaalla Magaalada Beledweyne ay isugu jiraan dad kasoo barakacay, Abaaraha, Coolaad Beeleedyada iyo dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo xilligaan ay heystaan dhibaatooyin kala duean.Todobaadkii hore ayay aheyd markii ilaa lix Carruur ah ay xaaladdo nafaqa darro ugu geeriyoodeen xerooyin kuyaalla degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like DHAGEYSO:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 24/04/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/09/2019 Laamaha Amniga Galmudug oo howlgal ku qabtay dad ku howlanaa jarista dhirta 08/08/2023 Wasiirka Gaashaandhigga Muqdisho kulankulmay Taliyaha AFRICOM 19/01/2021 Wasiirkii Qorsheynta Maamulka Puntland oo xilkii iska casilay iyo sababta keentay 29/12/2023 Ciidamada Ahlu Sunna Oo Isaga Baxay Magaalada Guriceel 27/10/2021 Dhageyso:-Wasiirka Amniga mamulka konfur galbed oo Shir jarad kusabsanaa Amniga ku Qabtay Baydhabo 17/07/2018 Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay xuska maalintii xoriyada goboladda waqooyi (SAWIRRO) 26/06/2020 Ukraine oo ku baaqday Shirweyne Nabadeed iyo inay Raashiya wajahdo Maxkamad Caalami 27/12/2022 Sawiro: Xoghayaha Cusub ee Dowlada Hoose Baydhabo Abdishakuur Sh Adam Oo Xilkiisa Lawareegay. 13/01/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.