Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo Guud ahaan Gobolka Hiiraan xilligaan kajirta Abaar daran iyo xaalad macluul oo saameeysay dadka barakacayaasha ah, taas oo keentay in Carruur farabadan ay nafaqa darro u geeriyoodaan.Qoysas kasoo barakacay degaannada kale ee Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Bedweyne, waxaana mid kamid ah Xerooyinka ay kunool yihiin ay Carruur ugu geeriyoodeen nafaqa darro.Hooyo Caamilo Ibraahim Cusmaan oo kamid ah dadka kunool Xerooyinka barakacayaasha Beledweyne ayaa sheegtay in mid kamid ah lix Carruur ah oo ay dhashay uu nafaqo darro u geeriyooday, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ugu baaqday in loo soo gurmado.Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa dhankiisa sheegay in dadka kujira ilaa lix Kaam oo kuyaalla Magaalada Beledweyne ay isugu jiraan dad kasoo barakacay, Abaaraha, Coolaad Beeleedyada iyo dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo xilligaan ay heystaan dhibaatooyin kala duean.Todobaadkii hore ayay aheyd markii ilaa lix Carruur ah ay xaaladdo nafaqa darro ugu geeriyoodeen xerooyin kuyaalla degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 27/11/2022 Akhriso:-Canada oo ka hadashay dilkii Hodan Naaleeye. 15/07/2019 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 31/08/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 18/11/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 14/06/2021 Daawo Video Gudahooda Ayaa Ka warbixiyey Cudurka shuban Biyoodka Degmooyin 12/03/2017 Axmed Madoobe oo qaliin ku galay Nairobi iyo kulamo gaar gaar ah oo ka dhacay Dhuusamareeb 16/08/2020 Kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay 06/02/2020 Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidan Oo Ku Yaalla Kenya 26/02/2020 Casharka todobaadka waa aqoonta bulshada waxa ay ka tarayso Nabadda. 10/06/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.