Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo Guud ahaan Gobolka Hiiraan xilligaan kajirta Abaar daran iyo xaalad macluul oo saameeysay dadka barakacayaasha ah, taas oo keentay in Carruur farabadan ay nafaqa darro u geeriyoodaan.Qoysas kasoo barakacay degaannada kale ee Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Bedweyne, waxaana mid kamid ah Xerooyinka ay kunool yihiin ay Carruur ugu geeriyoodeen nafaqa darro.Hooyo Caamilo Ibraahim Cusmaan oo kamid ah dadka kunool Xerooyinka barakacayaasha Beledweyne ayaa sheegtay in mid kamid ah lix Carruur ah oo ay dhashay uu nafaqo darro u geeriyooday, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ugu baaqday in loo soo gurmado.Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa dhankiisa sheegay in dadka kujira ilaa lix Kaam oo kuyaalla Magaalada Beledweyne ay isugu jiraan dad kasoo barakacay, Abaaraha, Coolaad Beeleedyada iyo dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo xilligaan ay heystaan dhibaatooyin kala duean.Todobaadkii hore ayay aheyd markii ilaa lix Carruur ah ay xaaladdo nafaqa darro ugu geeriyoodeen xerooyin kuyaalla degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Maraykanka oo saxiixay heshiis hub looga iibinayo Qatar 30/11/2022 Mid kamid ah jilaayadii ugu caansanaa dunida Carabta oo geeriyooday 15/10/2020 Wararkii Ugu Dambeeyay kalsooni kala noqoshada Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre 25/07/2020 Madaxweynaha Soomaaliya oo kulankii ugu horreeyay la yeeshay madaxweynaha Kenya 14/09/2022 FAAH FAAHIN DUQEYN: ALSHABAAB OO LAKULANTEY MID KAMID QASAARIHII UGU BADNAA… 21/10/2019 DHAGEYSO:-MOOSHINKA LAGU KALA ARAGTI DUWAN YAHAY EE SHARIIF XASAN LAGA WADO XAGUU SALKA KU HAAYAA 05/11/2017 Sii Hayaha Xilka RW oo kulan la qaatay Mas’uulyiinta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xooga (Sawiro) 31/08/2020 VIDEO GADOMIYAHA HAWEENKA GOBALKA IYO DEGMADA OO BAAQ SI KULAL UGA HADLEY MOSHINKA MADAXWEYNAHA KGS 04/11/2017 Dowladda Iiraan oo dil ugu hanjabtay Donald Trump 23/01/2021 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamka 10/02/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.