Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow written by Warsan Radio 22/06/2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan xirnaanshaha wadaadka Muqtaar Roobow oo u xiran dowladda & sida dowladda Soomaaliya ay ka yeeleyso xarigiisa.Guddoomiyaha oo isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi la hadlay tv-ga Universal wuxuu sheegay in ka guddoomiye ahaan uu horay u cadeeyay mowqifkiisa, isla markaana Muqtaar Roobow si sharci darro ah ay u xirtay dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Wuxui hadalkiisa uu intaasi kudaray in Rooboow uu ahaa Nin leh hami siyaasadeed si uu u hoggaamiyo Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee iyada oo aan wax maxkamad ah oo dambi ku heysata la soo taagin uu u xiran yahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka tashan doonto xarigiisa, isla markaana dhawaan ay go’aan ka gaari doonto.Horaantii Bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo adeegsaneysa Ciidamo Itoobiyan ah waxaa ay Magaalada Baydhabo kasoo xjrtay Muqtaar Rooboow oo xilligaas ahaa musharrax Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Ukraine oo la heystayaal ku tilmaamay wadamada Afrika next post Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne You may also like Dowladda Jabuuti oo war cusub kasoo saartay wada-hadallada DF iyo Somaliland 23/07/2020 Dowladda Mareykanka oo cunaqabateyn saartay hoggaamiyaha Hong Kong 08/08/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha 18/12/2020 Dagaal Maalintii Saddexaad ka socda Laas-Caanood 08/02/2023 Ciidan ka socda Nigeria oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO) 19/04/2021 Daladda SOMA oo 30 Tafatire Tababar ugu so gabagabeysay Magaalada Muqdisho 20/06/2023 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 03/11/2020 Dhageyso:-Natiijada tartan aqooneedka Radio Warsan 14/04/2022 Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay oo ku Saabsan dilkii Jamal Khashoggi 28/10/2018 Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka Furmay Magaalada Dhuusamareeb 26/08/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.