Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow written by Warsan Radio 22/06/2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan xirnaanshaha wadaadka Muqtaar Roobow oo u xiran dowladda & sida dowladda Soomaaliya ay ka yeeleyso xarigiisa.Guddoomiyaha oo isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi la hadlay tv-ga Universal wuxuu sheegay in ka guddoomiye ahaan uu horay u cadeeyay mowqifkiisa, isla markaana Muqtaar Roobow si sharci darro ah ay u xirtay dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Wuxui hadalkiisa uu intaasi kudaray in Rooboow uu ahaa Nin leh hami siyaasadeed si uu u hoggaamiyo Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee iyada oo aan wax maxkamad ah oo dambi ku heysata la soo taagin uu u xiran yahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka tashan doonto xarigiisa, isla markaana dhawaan ay go’aan ka gaari doonto.Horaantii Bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo adeegsaneysa Ciidamo Itoobiyan ah waxaa ay Magaalada Baydhabo kasoo xjrtay Muqtaar Rooboow oo xilligaas ahaa musharrax Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Ukraine oo la heystayaal ku tilmaamay wadamada Afrika next post Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne You may also like Dhageyso:-Maamulka KGS ayaa sheegey In ay Wadaan qorshayaal Loogu maarmaayo In wax barosho Jamacaadeed 14/07/2017 Dad shacab ah oo ku dhintay Madaafiic lagu Weeraray degaanka Camaara 11/02/2024 Aadan Faarax oo loo doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Itoobiya 11/06/2020 Xasan Sheekh oo faahfaahiyay kulankii Guddoonka Baarlamaanka iyo Madasha Xisbiyada 30/07/2020 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 14/02/2017 (SAWIRO): Duqeyn lagu dilay Askari iyo dad Rayid ah 19/02/2023 Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo 12/01/2021 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 25/06/2022 Agaasimaha SONNA oo hambalyo ku aaddan sannad guuradii 57-aad u diray shaqaalaha wakaaladda iyo shacabka Soomaaliyeed 05/01/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 05/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.