Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow written by Warsan Radio 22/06/2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan xirnaanshaha wadaadka Muqtaar Roobow oo u xiran dowladda & sida dowladda Soomaaliya ay ka yeeleyso xarigiisa.Guddoomiyaha oo isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi la hadlay tv-ga Universal wuxuu sheegay in ka guddoomiye ahaan uu horay u cadeeyay mowqifkiisa, isla markaana Muqtaar Roobow si sharci darro ah ay u xirtay dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Wuxui hadalkiisa uu intaasi kudaray in Rooboow uu ahaa Nin leh hami siyaasadeed si uu u hoggaamiyo Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee iyada oo aan wax maxkamad ah oo dambi ku heysata la soo taagin uu u xiran yahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka tashan doonto xarigiisa, isla markaana dhawaan ay go’aan ka gaari doonto.Horaantii Bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo adeegsaneysa Ciidamo Itoobiyan ah waxaa ay Magaalada Baydhabo kasoo xjrtay Muqtaar Rooboow oo xilligaas ahaa musharrax Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Ukraine oo la heystayaal ku tilmaamay wadamada Afrika next post Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne You may also like Dowladda Soomaaliya oo maanta agab caafimaad gaarsiisay Kismaayo 03/05/2020 Soomaalida iyo Canfarta oo dhaxmaray dagaal qaraar oo gaaray heshiis 5 qodob ka kooban (Sawirro) 09/04/2021 Daawo lagu farsameeyey India oo sababtay geerida 66 Caruur ah 07/10/2022 Faafaahin Khasaaraha ka dhashay dagaal dhex-maray Ciidanka Dowladda & Al-Shabaab 12/07/2020 SAWIRRO: video Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Musharaxiintii u tartamaysay xilka Madaxweynaha 10/02/2017 Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in deg deg loo soo celinayo Ciidamada tababarka u jooga Ereteriya 11/07/2022 China: Diyaar uma nihin dagaal Qabow iyo Mid kulul toona! – Muuqaal 24/09/2020 Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika 12/02/2021 RW Rooble oo Guddi qiimeyn u Magacaabay Garbahaarreey 28/02/2022 gudoomiye waaxeed Kooxo hubeysan oo ay ku dileen magaalada Garbahaarey 15/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.