QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya written by Warsan Radio 22/06/2022 Warbixin uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo sidii gurmad loo garsiin lahaa dadka ay saameeysay abaarta kajira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.Adam Abdelmoula oo kamid ahaa Mas’uuliyiin booqday xerooyin barakac oo kuyaalla Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka dhalatay abaarta, isla markaana loo baahan yahay in dadkaas loo gurmado.“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya si degdeg ah ayay uga sii xumaanaysaa. Durba 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la il daran nafaqo-xumo, waxaana fileynaa in 356,000 oo carruurtan ka mid ah aysan sii noolaan ilaa dhammaadka bisha Sebtembar ee sanadkan,” ayuu Abdelmoula ku yiri bayaan uu soo saaray.Sidoo kale Adam Abdelmoula ayaa ka digay in nafaqo-xumada ba’an ay sii kordheyso haddii aan qorshaha wax-ka-qabashada abaaraha si weyn kor loogu qaadin, maadaama dad badan ay saameysay abaarta kajirta dalka Soomaaliya.Meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligan kajira abaar aad u adarn, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeysay abaarta. QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan next post Kulan looga hadlaayey kor u qaadista ganacsiyada yar-yar oo Baydhabo lagu qabtey. You may also like Milliteriga Israel oo dil iyo dhaawac u geystay Muwaadiniin Falastiin ah 11/08/2023 Wasiir Duraan;”Waan ka fiirsanaynaa go’aanka Kenya ku hakisay duulimaadyada” 11/05/2021 Dowladda Mareykanka oo digtay mawaadinteeda ku nool dalka Jabuuti 12/06/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 29/05/2020 Shariif Xasan” In ra’iisul Wasaare la’aan ah dalku ahaado wali ma dhicin” 16/09/2020 Dhageyso:Warka Galab ee Idaacada Warsan 11/08/2020 Dowladda Somalia oo Wakiilka QM kala hadashay u diyaargarowga doorashooyinka Soomaaliya 11/01/2021 Dhagyso: Wasaarada Waxbarashada KG Oo 50 Maclamiin ah Imtixaan Ugu Furtay Magalada Baydhabo. 28/12/2019 Guddiga Doorashada Galmudug Shahaado Guddoonsiiyay Musharixiinta Kuraas Ka Tirsan G/Shacabka 26/01/2022 Akhriso:- Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Horumarinta beeraha kala saxiixday. 04/03/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.