QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya written by Warsan Radio 22/06/2022 Warbixin uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo sidii gurmad loo garsiin lahaa dadka ay saameeysay abaarta kajira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.Adam Abdelmoula oo kamid ahaa Mas’uuliyiin booqday xerooyin barakac oo kuyaalla Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka dhalatay abaarta, isla markaana loo baahan yahay in dadkaas loo gurmado.“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya si degdeg ah ayay uga sii xumaanaysaa. Durba 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la il daran nafaqo-xumo, waxaana fileynaa in 356,000 oo carruurtan ka mid ah aysan sii noolaan ilaa dhammaadka bisha Sebtembar ee sanadkan,” ayuu Abdelmoula ku yiri bayaan uu soo saaray.Sidoo kale Adam Abdelmoula ayaa ka digay in nafaqo-xumada ba’an ay sii kordheyso haddii aan qorshaha wax-ka-qabashada abaaraha si weyn kor loogu qaadin, maadaama dad badan ay saameysay abaarta kajirta dalka Soomaaliya.Meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligan kajira abaar aad u adarn, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeysay abaarta. QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan next post Kulan looga hadlaayey kor u qaadista ganacsiyada yar-yar oo Baydhabo lagu qabtey. You may also like Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo u soo gudbiyay wareegga ugu dambeeya 15/05/2022 Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka guddida xalinta khilaafadka oo kusoo wajahan Baydhabo 15/08/2021 Dhageyso;- Barnaamijka Ciyaaraha ee Idaacada Warsan 31/10/2022 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 09/06/2017 Dhageyso+Sawiro:-Doorashada Gudoomiyaha iyo Gudomiya ku xigeenka Degmada Diin soor 22/01/2020 Shirka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland Oo Ka Qabsoomay Kismaayo 14/07/2022 Madaxweynaha Ukraine oo la heystayaal ku tilmaamay wadamada Afrika 22/06/2022 Dowladda Germany oo Soomaaliya ka caawinaysa yaraynta halista Covid_19, daadadka, iyo duulaanka Ayaxa 17/06/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 24/12/2021 Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay musharrixiinta Koonfur Galbeed? 28/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.