QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya written by Warsan Radio 22/06/2022 Warbixin uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo sidii gurmad loo garsiin lahaa dadka ay saameeysay abaarta kajira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.Adam Abdelmoula oo kamid ahaa Mas’uuliyiin booqday xerooyin barakac oo kuyaalla Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka dhalatay abaarta, isla markaana loo baahan yahay in dadkaas loo gurmado.“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya si degdeg ah ayay uga sii xumaanaysaa. Durba 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la il daran nafaqo-xumo, waxaana fileynaa in 356,000 oo carruurtan ka mid ah aysan sii noolaan ilaa dhammaadka bisha Sebtembar ee sanadkan,” ayuu Abdelmoula ku yiri bayaan uu soo saaray.Sidoo kale Adam Abdelmoula ayaa ka digay in nafaqo-xumada ba’an ay sii kordheyso haddii aan qorshaha wax-ka-qabashada abaaraha si weyn kor loogu qaadin, maadaama dad badan ay saameysay abaarta kajirta dalka Soomaaliya.Meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligan kajira abaar aad u adarn, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeysay abaarta. QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan next post Kulan looga hadlaayey kor u qaadista ganacsiyada yar-yar oo Baydhabo lagu qabtey. You may also like Daawo Video Kulan Caalami ah oo Ay Kasoo Qeyb Galeen Hay’Adaha Ka howl Gala Deegaanada Koonfur Galbeed 13/12/2017 Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celineysa Dhainyaro ku xirnaa dalka Liibiya 26/09/2022 Doorashada Golaha Shacabka oo ka socota Muqdisho & laba Kursi oo la doortay 02/02/2022 Munaasabad lagu abaal marinayey xaafadihii kaalimaha hore ka galay tartan aqooneedkii bishii Ramadaan ayaa ka dhacday Xarunta Idaacadda Warsan. 09/01/2024 Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya dalka Jabuuti 06/06/2022 Wafdi Ka Socday Mareykanka Oo Booqasho Qorsoodi Ah Ku Yimid Muqdisho 28/11/2020 DHAGEYSO: Casharkii 23aad Ee Tafsiirka Qur’aanka Kariimka Ee Sh. Xasan Gaab 02/01/2018 Akhriso:-Safiirkii Soomaaliya ee Iskutaga Imaaraadka Carabta oo xilka iska wareejiyay 10/01/2018 Madaxweynaha Koonfur galbeed oo guddi gaar ah u magacaabay dadkii lagasoo barakaciyay magaalada Laascaanood 04/10/2021 Maxamed C/risaaq Maxamuud oo loo magacaabay Wasiirka cusub Wasasrada Arrimaha Dibada 19/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.