QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya written by Warsan Radio 22/06/2022 Warbixin uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo sidii gurmad loo garsiin lahaa dadka ay saameeysay abaarta kajira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.Adam Abdelmoula oo kamid ahaa Mas’uuliyiin booqday xerooyin barakac oo kuyaalla Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka dhalatay abaarta, isla markaana loo baahan yahay in dadkaas loo gurmado.“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya si degdeg ah ayay uga sii xumaanaysaa. Durba 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la il daran nafaqo-xumo, waxaana fileynaa in 356,000 oo carruurtan ka mid ah aysan sii noolaan ilaa dhammaadka bisha Sebtembar ee sanadkan,” ayuu Abdelmoula ku yiri bayaan uu soo saaray.Sidoo kale Adam Abdelmoula ayaa ka digay in nafaqo-xumada ba’an ay sii kordheyso haddii aan qorshaha wax-ka-qabashada abaaraha si weyn kor loogu qaadin, maadaama dad badan ay saameysay abaarta kajirta dalka Soomaaliya.Meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligan kajira abaar aad u adarn, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeysay abaarta. QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan next post Kulan looga hadlaayey kor u qaadista ganacsiyada yar-yar oo Baydhabo lagu qabtey. You may also like Magacyadda Sagaalka Xildhibaan ee maanta lagu doortay Muqdisho 25/01/2022 Guddiga farsamadda soo xulista Barlamaanka labaad ee Hirshabelle oo gaaray Magaalada jowhar 28/09/2020 Xasan Cali Kheyre “Waxaan go’aasanaday inaan xilka iska casilo oo aan qeyb uga noqon qalqalsiyaasadeed” 26/07/2020 Akhriso:-Lix ruux oo Kalluumeysato ahaa oo ku dhintay xeebaha Puntland 23/07/2018 Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo yeelaneysa sharci dhameystiran 05/01/2020 Madax kala duwan oo kusoo wajahan Muqdisho & wafdi horudhac ah oo soo gaaray 30/01/2023 Wakiilka Qarramada Midoobey iyo madaxweynaha Galmudug oo ku kulmay magaalada Dhuusa-Mareeb 24/01/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 07/10/2020 Xoghayaha guud ee QM oo Adduunka uga digay khatarta dagaal qabow oo ku soo wajahan 23/09/2020 Guddiga xalinta khilafaadka doorashada oo soo saaray habraac 25/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.