QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya written by Warsan Radio 22/06/2022 Warbixin uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo sidii gurmad loo garsiin lahaa dadka ay saameeysay abaarta kajira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.Adam Abdelmoula oo kamid ahaa Mas’uuliyiin booqday xerooyin barakac oo kuyaalla Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka dhalatay abaarta, isla markaana loo baahan yahay in dadkaas loo gurmado.“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya si degdeg ah ayay uga sii xumaanaysaa. Durba 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la il daran nafaqo-xumo, waxaana fileynaa in 356,000 oo carruurtan ka mid ah aysan sii noolaan ilaa dhammaadka bisha Sebtembar ee sanadkan,” ayuu Abdelmoula ku yiri bayaan uu soo saaray.Sidoo kale Adam Abdelmoula ayaa ka digay in nafaqo-xumada ba’an ay sii kordheyso haddii aan qorshaha wax-ka-qabashada abaaraha si weyn kor loogu qaadin, maadaama dad badan ay saameysay abaarta kajirta dalka Soomaaliya.Meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligan kajira abaar aad u adarn, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeysay abaarta. QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan next post Kulan looga hadlaayey kor u qaadista ganacsiyada yar-yar oo Baydhabo lagu qabtey. You may also like Talyaaniga oo dacwad kusoo oogay dad loo heysto Al-Shabaabnimo 06/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/07/2020 Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika 12/02/2021 Maamulka Puntland oo qeylo dhaan kasoo saartay Abaar kajirta Gobolka Mudug 04/01/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/09/2021 Dawo Sawiro DOORASHDII UGU YAABKA BADNEED OO MAANTA BAYDHABO KA DHACDAY 19/11/2016 Soomaalida Kenya oo walaac ka muujiyay hadal kasoo yeeray Raila Odinga 26/01/2023 Madaxda maamuladda Puntland iyo Jubbaland oo ku baaqay shir deg deg ah 28/01/2021 Madasha Xisbiyada oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Culimada Somaaliyeed 11/07/2020 Waa kuma Madaxwaynaha cusub ee loo doortay dalka Kenya? 15/08/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.