Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa bilaabanaya wada-hadallo la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimo ku saabsan doorashada Madaxweynaha Soomaaliland iyo kuwa xisbiyada.Waxaa la Magacaabay guddiyo ka kooban 18 Xunood oo laga soo kala xulay 10 Xubnaha Golaha Guurtida ah iyo 8 odayaasha Dhaqanka ah, waxaana ay bilaabayaan wada-hadallo ay labada dhinac ku dhex-dhexaadinayaan.Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah Xubnaha guddiga ayaa sheegay in Maalinta berito ah ay bilaabi doonaan dhex-dhexaadinta, isla markaana ay la kulmi doonaan Madaxweyne Muuse iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADANI ee Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.Sidoo kale wuxuu sheegay in howsha dhex-dhexaadinta ah ay goor sii hore bilaabeen maadaama ay xabsiyada kasii daayeen Xubno kamid ahaa Xisbiyada mucaaradka ee Xukuumaddu dhawaan xirtay haatana inta dhiman ay dhameystiri doonaan.Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka oo loo diiday inay dhigaan dibadbax looga soo horjeedo xukuumadda, waxaana Xubnaha mucaaradka ay Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeynayaan in uu doonayo muddo kororsi. Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Soomaali dil & dhaawac loogu geystay webi mara deegaanka Canfarta next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Weriye Sheekh C/llahi Cali Afrax oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho 14/07/2020 Dil ka dhacay Magaalada laas-caanood & howlgal ka socda 04/11/2022 Dalka Sweden:- Haweeney u dhimatay Weerar uu ku qaaday Ey, 24/10/2022 Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan 09/08/2022 Dhageyso:- Qeybtii labaad (2-aad) Barnaamijka Bidhaamiye. 16/06/2020 Siyaasiyiin la sheegay inay Madaxweynaha Gorgortan kula galayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab 13/10/2022 Madaxweynaha Turkiga oo safar deg deg ah ku tegay Sacuudiga 29/04/2022 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo Beesha Caalamka Ka Codsaday In Si Degdeg Ah Ay Uga Qayb Qaataan Gurmadka Fatahaadaha 30/10/2019 Dhageyso:Warka Galab ee Idaacada Warsan. 20/12/2022 Qaramada midoobay oo soo dhaweysay ansixinta Ra’iisul-wasaaraha cusub ee dalka 23/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.