Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa bilaabanaya wada-hadallo la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimo ku saabsan doorashada Madaxweynaha Soomaaliland iyo kuwa xisbiyada.Waxaa la Magacaabay guddiyo ka kooban 18 Xunood oo laga soo kala xulay 10 Xubnaha Golaha Guurtida ah iyo 8 odayaasha Dhaqanka ah, waxaana ay bilaabayaan wada-hadallo ay labada dhinac ku dhex-dhexaadinayaan.Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah Xubnaha guddiga ayaa sheegay in Maalinta berito ah ay bilaabi doonaan dhex-dhexaadinta, isla markaana ay la kulmi doonaan Madaxweyne Muuse iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADANI ee Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.Sidoo kale wuxuu sheegay in howsha dhex-dhexaadinta ah ay goor sii hore bilaabeen maadaama ay xabsiyada kasii daayeen Xubno kamid ahaa Xisbiyada mucaaradka ee Xukuumaddu dhawaan xirtay haatana inta dhiman ay dhameystiri doonaan.Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka oo loo diiday inay dhigaan dibadbax looga soo horjeedo xukuumadda, waxaana Xubnaha mucaaradka ay Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeynayaan in uu doonayo muddo kororsi. Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Soomaali dil & dhaawac loogu geystay webi mara deegaanka Canfarta next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/12/2020 Wararkii ugu dambeeyay ee Duqeynta Falastiin 16/05/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 26/11/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/05/2022 Maxaa ka jira warka sheegaya in Musharax Mustaf Dhuxulow lagu xiray Hargeysa 29/11/2020 Dhageyso:-Dhoofinta Dhuxusha oo si Xowli ah ugu socota Kismaayo iyo Ciidamada Jubbaland oo Xirey Hotel ku yaala kismaayo 23/08/2018 Guddoomiyihii Degmada Xamar jajab oo lagu dilay weerar Ka dhacay Duleedka Muqdisho 17/04/2021 Ciidamada Puntland oo rasaaseeyay dad banaanbax ka dhigayay Boosaaso 18/10/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/07/2022 Dal Carbeed oo ku dhawaaqay in kalabar uu ka cafinayo deynta uu ku leeyahay Soomaaliya 09/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.