Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa bilaabanaya wada-hadallo la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimo ku saabsan doorashada Madaxweynaha Soomaaliland iyo kuwa xisbiyada.Waxaa la Magacaabay guddiyo ka kooban 18 Xunood oo laga soo kala xulay 10 Xubnaha Golaha Guurtida ah iyo 8 odayaasha Dhaqanka ah, waxaana ay bilaabayaan wada-hadallo ay labada dhinac ku dhex-dhexaadinayaan.Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah Xubnaha guddiga ayaa sheegay in Maalinta berito ah ay bilaabi doonaan dhex-dhexaadinta, isla markaana ay la kulmi doonaan Madaxweyne Muuse iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADANI ee Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.Sidoo kale wuxuu sheegay in howsha dhex-dhexaadinta ah ay goor sii hore bilaabeen maadaama ay xabsiyada kasii daayeen Xubno kamid ahaa Xisbiyada mucaaradka ee Xukuumaddu dhawaan xirtay haatana inta dhiman ay dhameystiri doonaan.Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka oo loo diiday inay dhigaan dibadbax looga soo horjeedo xukuumadda, waxaana Xubnaha mucaaradka ay Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeynayaan in uu doonayo muddo kororsi. Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Soomaali dil & dhaawac loogu geystay webi mara deegaanka Canfarta next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Al-Shabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Saldhigyo Ay Ku Sugnaayen Ciidamo 03/04/2021 Wararkii ugu danbeeyay Gantaalo lagu Weeraray Israa’iil 07/10/2023 Akhriso WAR-MURTIYEED Kasoo Baxay Shirka Madaxda DFS iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadad 22/07/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 20/09/2019 Mahdi Guuleed iyo Madaxweynaha Jubbland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe “Sawirro” 28/12/2020 Dhageyso;-WASAARADDA ARIMAHA DIINTA IYO AWQAAFTA DOWLADA GOBOLEEDKA KOOFUR GALBEED SOOMAALIYA WAR SAXAAFADEED KA SOO SAARTAY BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN. 16/05/2018 Doorashada Guddoomiye kuxigeenada Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa 28/04/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 07/07/2022 Madaxtooyada oo shaacisay in Farmaajo uu caawa la hadli doono shacabka Soomaaliyeed 27/04/2021 Khasaaraha Ka Dhashay Daadadka Ku Dhuftay Pakistan Oo Sii Kordhay 30/08/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.