Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa bilaabanaya wada-hadallo la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimo ku saabsan doorashada Madaxweynaha Soomaaliland iyo kuwa xisbiyada.Waxaa la Magacaabay guddiyo ka kooban 18 Xunood oo laga soo kala xulay 10 Xubnaha Golaha Guurtida ah iyo 8 odayaasha Dhaqanka ah, waxaana ay bilaabayaan wada-hadallo ay labada dhinac ku dhex-dhexaadinayaan.Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah Xubnaha guddiga ayaa sheegay in Maalinta berito ah ay bilaabi doonaan dhex-dhexaadinta, isla markaana ay la kulmi doonaan Madaxweyne Muuse iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADANI ee Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.Sidoo kale wuxuu sheegay in howsha dhex-dhexaadinta ah ay goor sii hore bilaabeen maadaama ay xabsiyada kasii daayeen Xubno kamid ahaa Xisbiyada mucaaradka ee Xukuumaddu dhawaan xirtay haatana inta dhiman ay dhameystiri doonaan.Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka oo loo diiday inay dhigaan dibadbax looga soo horjeedo xukuumadda, waxaana Xubnaha mucaaradka ay Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeynayaan in uu doonayo muddo kororsi. Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Soomaali dil & dhaawac loogu geystay webi mara deegaanka Canfarta next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Dhageyso Wasiir Ku xigeenka wasaarada Amniga ayaa waxaa uu ka hadey Ciidamada Amniga KGS. 06/07/2017 Dhageyso: Barnaamijka Hambalyada iyo Salaamaha 02/12/2022 Dhageyso:-Barnaamijika Salaamaha Wariyasha Idaacada Warsan. 01/08/2020 Dhageyso+Sawiro:-Dood ku saabsan xadgudubyada Haweenka loogu geysto koonfur galbeed iyo sida xal looga heli karo. 06/08/2020 Faah faahintii Weerarkii maanta ee labaatan jirow ciidamada KGS oo ay kaga guuleysteen Alshabaab. 06/09/2016 Dhageyso Qeybta 4 aaad ee Barnaamijka Barshada nafaqada wanagsan iyo badqabka Cunada 07/06/2021 Jubbaland oo ku dhawaaqday wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab 10/02/2023 Ilhan Cumar oo kasoo horjeesatay safarka Biden ee Mareykanka 17/07/2022 Dhallinyaro Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla Niger & mas’uuliyiin booqday 29/11/2022 Akhriso+Sawiro:-Lacag ka badan 11 Milyan oo Doollar lagu bixin doono dib u dhiska Kismaayo 17/04/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.