Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa bilaabanaya wada-hadallo la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimo ku saabsan doorashada Madaxweynaha Soomaaliland iyo kuwa xisbiyada.Waxaa la Magacaabay guddiyo ka kooban 18 Xunood oo laga soo kala xulay 10 Xubnaha Golaha Guurtida ah iyo 8 odayaasha Dhaqanka ah, waxaana ay bilaabayaan wada-hadallo ay labada dhinac ku dhex-dhexaadinayaan.Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah Xubnaha guddiga ayaa sheegay in Maalinta berito ah ay bilaabi doonaan dhex-dhexaadinta, isla markaana ay la kulmi doonaan Madaxweyne Muuse iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADANI ee Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.Sidoo kale wuxuu sheegay in howsha dhex-dhexaadinta ah ay goor sii hore bilaabeen maadaama ay xabsiyada kasii daayeen Xubno kamid ahaa Xisbiyada mucaaradka ee Xukuumaddu dhawaan xirtay haatana inta dhiman ay dhameystiri doonaan.Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka oo loo diiday inay dhigaan dibadbax looga soo horjeedo xukuumadda, waxaana Xubnaha mucaaradka ay Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeynayaan in uu doonayo muddo kororsi. Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Soomaali dil & dhaawac loogu geystay webi mara deegaanka Canfarta next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like DF Soomaaliya oo xil muhiim ah u magacowday taliyihii ciidamada Booliska Puntland 09/08/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 07/05/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 12/11/2022 Baydhabo oo ay soo gaartay wafuud ka kala socota Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qayb ka ah jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya. 16/01/2019 Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Miisaaniyadda 2024 oo ka badan Hal Bilyan oo Dollar 28/10/2023 DEGDEG Qarax Wayn Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho 02/07/2021 Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Codsi uga yimid Madaxweyne Deni 28/01/2024 Wasaaradda Cadaalada XFS & Dowladda Turkiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan hormarinta xabsiyada dalka iyo waxbarida maxaabiista. 31/01/2021 Weriyihii Larry King oo u geeriyooday cudurka Covid 19 24/01/2021 Aqriso- isku aadka Tartan Aqoonedka ka socda Warsan Radio wareegiisa labaad 29/05/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.