Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa bilaabanaya wada-hadallo la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimo ku saabsan doorashada Madaxweynaha Soomaaliland iyo kuwa xisbiyada.Waxaa la Magacaabay guddiyo ka kooban 18 Xunood oo laga soo kala xulay 10 Xubnaha Golaha Guurtida ah iyo 8 odayaasha Dhaqanka ah, waxaana ay bilaabayaan wada-hadallo ay labada dhinac ku dhex-dhexaadinayaan.Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah Xubnaha guddiga ayaa sheegay in Maalinta berito ah ay bilaabi doonaan dhex-dhexaadinta, isla markaana ay la kulmi doonaan Madaxweyne Muuse iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADANI ee Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.Sidoo kale wuxuu sheegay in howsha dhex-dhexaadinta ah ay goor sii hore bilaabeen maadaama ay xabsiyada kasii daayeen Xubno kamid ahaa Xisbiyada mucaaradka ee Xukuumaddu dhawaan xirtay haatana inta dhiman ay dhameystiri doonaan.Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka oo loo diiday inay dhigaan dibadbax looga soo horjeedo xukuumadda, waxaana Xubnaha mucaaradka ay Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeynayaan in uu doonayo muddo kororsi. Waan waan laga dhex-bilaabayo Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Soomaali dil & dhaawac loogu geystay webi mara deegaanka Canfarta next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Xaflad xilka ku kala wareegayeen wasiir ilyaas cali iyo wasiirkii hore warfaafinta KGS oo maanta baydhabo kadhacday 06/07/2020 Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish 26/07/2022 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 09/08/2022 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 08/01/2022 Millateriga Somaliland oo shaaciyay sababta keentay in ay ka baxaan guddaha Laascaanood 05/01/2023 Beesha Caalamka oo ka hor-timid kulamada BF, kuna baaqday heshiis laga gaaro doorashada 29/06/2020 Madaxweyne Qoor Qoor “Galmudug waxay yeelaneysaa ciidamo adag oo ammaanka la wareegaya dhowaan” 13/06/2020 Daawo Muqaalkaan WAR SAXAFADEED KASOO BAXEY SHIRKII MAANTA GOLAHA SIYAASIYIINTA 02/08/2016 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha Qeybta 12 aad oo ku celis ah 11/12/2020 Dowlad Goboleedkii sedexaad oo Maanta soo geba-gabeeysay doorashada Golaha Shacabka 18/03/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.