Baydhabo-{WMN}-Boqol Toban iyo Shan Qooys oo deegaansanaya kaamka Gurmad ayaa ka cabanaya xaalad nolol xumo oo soo food saartay xili dalka guud ahaan ay ka jirto abaar baahsan oo sintay dhammi dadka oo idil.
Dadkan ayaa ka soo barakacay degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolada Baay iyo qeeyb ka mid ah gobolka Bakool.
Waxaa ay ku suganyihiin dadkan xaalad biyo yari iyo baad la’aan, ma heestaan musqulo lagu saxaroodo, caafimaad iyo dugsi fiican oo ay uga gabadaan dhaxanta xagaaga iyo kuleeylka qoraxda
Saciid Maxamed waa mid ka mid ah horjoogayaalka Kaamka Gurmad, waxaa uu ka warbixinayaa xaaladda nololeed ee haatan ku heesato dadka iyo baahiyaha ay qabaan.
Kuwani waa dadka barakacayaasha ah, oo afkooda booqsaday sheeganaya dhibta ku heeysato Kaamka iyaga iyo caruurtooda iyo sida ay ugu baahanyihiin gurmad degdeg ah ka hor inta aysan xaaladdooda faraha ka bixin oo aysan gaarin macluul iyo nafaqa daro caruurta ay u dhimman karaan.
Barakacayaashan ayaa baaq waxaa ay u direen dhammaan maaulka KG, Dowladda Fedaraalka iyo hay’adaha UNka iyi NGO’yada caalamiga ah, si ay ula soo gaaraan gurmad si dhakhsi ah wax uga baddali kara xaaladda nololeed ee iminka ku heesato Kaamka Gurmad ee ku yaala jahada beri ee magaalada Baydhabo