Shirka golaha wasiirada dowlad goboleedka goboleedka Jubbaland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, kaa ko shir guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid
Shirka golaha wasiirada dowlad goboleedka goboleedka Jubbaland ayaa looga dooday qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin ansixinta miisaaniyadda dowlad goboleedka Jubbaland ee sanadkan, iyo arimo kale.
Golaha wasiirada ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen magaalooyinka Dhooblay iyo Buurdhuubo oo hadda kadib ka mid noqonaya degmooyinka rasmiga ah ee Maamulka Jubbaland, sida ay maanta ku dhawaaqeen Golaha wasiirda Jubbaland
Sidoo kale golaha wasiirada ayaa ansixiyey miisaaniyadda Jubbaland ee sanadkan oo ay soo gudbisay wasaarada maaliyadda dowlad goboleedka Jubbaland.
Shirka golaha wasiirada dowlad goboleedka goboleedka Jubbaland ee maanta laga qabtay degmada Dhoobley ayaa noqonayo kii ugu horreeyey ee lagu qabto degmada Dhoobley