Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah written by Warsan Radio 24/06/2022 Ciidamada Booliiska dalka Mozambique ayaa xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo afduub sameeya kana ganacsata maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.Sida uu sheegay afhayeenka booliiska Daniel Macuacua, Soomaalida ayaa haysto Sharci ama aqoonsi oo been abuur ah.Waraaqaha Aqoonsiga ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangalyada dalka Mozambique ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo oo Mozambique ah.Mr Macuacua ayaa intaa ku daray in booliisku ay sidoo kale baarayaan shaqaalaha rayidka ah ee kooxda u fududeeyay soo gelitaanka iyo helitaanka dukumentiyada.“Intii lagu jiray baaritaan dheeri ah, waxaa la ogaaday inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha Gudaha ah kuwaas oo ay u badan tahay inay fududeeyeen soo saarista dukumentiyadan”, ayuu yiri Mr Macuacua.Mozambique ayaa loo arkaa meel ay maraan kumanaan muhaajiriin ah oo sanad walba ka soo talaabaya xudduudaha dalka Koonfur Afrika, waana mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya qaaradda.Bishii Oktoobar, Adeegga Socdaalka Qaranka Mozambique ayaa xiray 53 muhaajiriin ahoo si sharci darro u joogay bartamaha Gobolka Tete ee dalka Mozambique. Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha next post Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay You may also like Dhageyso:-Tuulada Ceelcade ayaa Lagodilay 12 Qof iyo labo Qof iyo hubkoodi 14/07/2017 Qaramada Midoobay Oo Soo Saartay Baaq Ku Socda Madaxda Soomaalida 03/12/2022 Soomaaliya ayaa Maanta la soo gaarsiiyay Deeq Daawo ah 10/12/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/02/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/07/2021 International Partners Concerned Over Recent Events in Somalia’s South West State 14/12/2018 Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Safiirka Ingiriiska? 27/11/2023 Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Idaacada warsan 03/06/2023 8 Milyan oo dollar oo loogu deeqay ganacsatadii ku hanti waayay Suuqa Hargeysa 09/04/2022 Dayuuradii ugu horeysay oo 14 sano ka dib soo caga dhigatay Garoonka Dayniile (Sawirro) 14/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.