Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah written by Warsan Radio 24/06/2022 Ciidamada Booliiska dalka Mozambique ayaa xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo afduub sameeya kana ganacsata maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.Sida uu sheegay afhayeenka booliiska Daniel Macuacua, Soomaalida ayaa haysto Sharci ama aqoonsi oo been abuur ah.Waraaqaha Aqoonsiga ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangalyada dalka Mozambique ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo oo Mozambique ah.Mr Macuacua ayaa intaa ku daray in booliisku ay sidoo kale baarayaan shaqaalaha rayidka ah ee kooxda u fududeeyay soo gelitaanka iyo helitaanka dukumentiyada.“Intii lagu jiray baaritaan dheeri ah, waxaa la ogaaday inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha Gudaha ah kuwaas oo ay u badan tahay inay fududeeyeen soo saarista dukumentiyadan”, ayuu yiri Mr Macuacua.Mozambique ayaa loo arkaa meel ay maraan kumanaan muhaajiriin ah oo sanad walba ka soo talaabaya xudduudaha dalka Koonfur Afrika, waana mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya qaaradda.Bishii Oktoobar, Adeegga Socdaalka Qaranka Mozambique ayaa xiray 53 muhaajiriin ahoo si sharci darro u joogay bartamaha Gobolka Tete ee dalka Mozambique. Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha next post Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay You may also like Kenya oo sheegtay in aanay warqad rasmi ah ka helin dowladda Soomaaliya (War Saxaafadeed) 01/12/2020 Liiska Xildhibaanada Galmudug Oo Lashaaciyey. 10/01/2020 VIDEO CUMAR SHARIIF HEES SHIDAN BAYDHABO SHOWGII CIIDA 04/09/2017 Xasan Cali Kheyre “Waxaan go’aasanaday inaan xilka iska casilo oo aan qeyb uga noqon qalqalsiyaasadeed” 26/07/2020 Wareysi Gadoomiyaha Waxbarashada Degmada Xudur 06/08/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 06/01/2019 Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho iyo Booliska oo ka hadlay 16/04/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 28/06/2020 Maraykanka oo xidhay nin loo haytsto weerarka diyaaraddii ku burburtay Scotland, sannadkii 1988 12/12/2022 Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Sababta Ay Dalka Uga Ceyrinayso Simon Mulongo 05/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.