Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah written by Warsan Radio 24/06/2022 Ciidamada Booliiska dalka Mozambique ayaa xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo afduub sameeya kana ganacsata maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.Sida uu sheegay afhayeenka booliiska Daniel Macuacua, Soomaalida ayaa haysto Sharci ama aqoonsi oo been abuur ah.Waraaqaha Aqoonsiga ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangalyada dalka Mozambique ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo oo Mozambique ah.Mr Macuacua ayaa intaa ku daray in booliisku ay sidoo kale baarayaan shaqaalaha rayidka ah ee kooxda u fududeeyay soo gelitaanka iyo helitaanka dukumentiyada.“Intii lagu jiray baaritaan dheeri ah, waxaa la ogaaday inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha Gudaha ah kuwaas oo ay u badan tahay inay fududeeyeen soo saarista dukumentiyadan”, ayuu yiri Mr Macuacua.Mozambique ayaa loo arkaa meel ay maraan kumanaan muhaajiriin ah oo sanad walba ka soo talaabaya xudduudaha dalka Koonfur Afrika, waana mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya qaaradda.Bishii Oktoobar, Adeegga Socdaalka Qaranka Mozambique ayaa xiray 53 muhaajiriin ahoo si sharci darro u joogay bartamaha Gobolka Tete ee dalka Mozambique. Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha next post Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay You may also like Khabiirka Madaxabannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Mawro Isha Dyfan, gebabegada booqashadeedii rasmiga ahayd ee Soomaaliya 02/04/2022 Itoobiya oo u aqoonsatay Ururka TPLF Argagaxiso 02/05/2021 Dhageyso+Sawiro:-Dood looga hadlayey shaqa la’aanta haysata dhalinyarada ayaa ka dhacday Idaacadda Warsan ee Baydhabo 24/10/2019 Midowga Musharaxiinta oo mar kale kulan ku yeeshay Muqdisho 29/11/2020 Faahfaahin khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Galgaduud 25/01/2022 DF oo wax ka beddeshay saacadaha BANDOWGA, soona rogtay amarro cusub 22/04/2020 Ciidamada amniga oo gacanta kusoo dhigay ninkii Imaamka Masjid ku dilay deegaanka Garas-baalleey. 30/03/2023 Dhageyso: Dhalinyarada Ku nool Magaalada Baydhabo oo lagu Wacyigelinaya Isticmaalka Maandooriyaha 06/03/2020 Somalia iyo Sucuudiga oo heshiis ku kala saxiixday Riyaad 13/11/2023 Golaha Wasiirada oo kulan Deg-deg ku ansixiyay hindise sharciyeedka Dad-dhigista 19/11/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.