Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah written by Warsan Radio 24/06/2022 Ciidamada Booliiska dalka Mozambique ayaa xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo afduub sameeya kana ganacsata maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.Sida uu sheegay afhayeenka booliiska Daniel Macuacua, Soomaalida ayaa haysto Sharci ama aqoonsi oo been abuur ah.Waraaqaha Aqoonsiga ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangalyada dalka Mozambique ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo oo Mozambique ah.Mr Macuacua ayaa intaa ku daray in booliisku ay sidoo kale baarayaan shaqaalaha rayidka ah ee kooxda u fududeeyay soo gelitaanka iyo helitaanka dukumentiyada.“Intii lagu jiray baaritaan dheeri ah, waxaa la ogaaday inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha Gudaha ah kuwaas oo ay u badan tahay inay fududeeyeen soo saarista dukumentiyadan”, ayuu yiri Mr Macuacua.Mozambique ayaa loo arkaa meel ay maraan kumanaan muhaajiriin ah oo sanad walba ka soo talaabaya xudduudaha dalka Koonfur Afrika, waana mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya qaaradda.Bishii Oktoobar, Adeegga Socdaalka Qaranka Mozambique ayaa xiray 53 muhaajiriin ahoo si sharci darro u joogay bartamaha Gobolka Tete ee dalka Mozambique. Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha next post Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay You may also like Wasiirka magacaaban ee Maaliyadda XFS oo kormeeray Dekeda Muqdisho (Sawirro) 22/10/2020 DFS oo kasoo horjeesatay shirkado qorsheynaya inay Shidaal ka baaraan Somaliland 28/12/2022 MD Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya saxiixa Heshiiskii ku biiritaanka Daladda Bulshada Bariga Afrika 15/12/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/10/2019 Puntland oo xukun ku riday rag dilal iyo qaraxyo geystay 14/12/2022 Ruushka oo guddoonsiisay Dowladda Somalia markab sida shixnad Gargaar ah 26/11/2023 Qansaxdheere oo lagu soo bandhigay nin ka soo goystay Shabaab (SAWIRRO) 27/08/2020 Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow u ambabaxay dalka Kenya 27/11/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan. 13/06/2020 Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho 14/01/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.