Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha written by Warsan Radio 24/06/2022 Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ku tilmaamay waxa u wanaagsan ee uu maqli lahaa go’aanka uu Bangiga Adduunka ku ansixiyay 143 milyan oo dollar , lacagtaa oo lagu taageerray barnaamijka qaran ee taageerrada Dadka nugul ee Baxnaano.Bangiga Adduunka ayaa taageero dheeraad ah siinaya hindisahan ay dowladdu hormuudka ka tahay. Maalgelinta dheeriga ah waxay ballaarin doontaa daboolida mashruuca horay u jiray ee 20,000 qoys. Waxay sidoo kale siin doonaa lacag caddaan ah oo degdeg ah 338,000 qoys, iyada oo ku dari doonta 160,000 qoys kuwaas oo horay uga heli jiray qaadashada lacagta caddaanka ah degdegga ah ee mashruuca qeybta ka ah barnaamijka Baxnaano ee taageerrada qoysaska uu saameeyay Ayaxa.“Taageerrada dhaqaale ee bangiga Adduunka waxay wax ka tari doonta ka jawaabida xaaladaha deg degga ah ee ka dhashay abaarta.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo inta ku daray “ Waan uga mahadcelinaya tallaabadan Bangiga Adduunka , waxaana xaqiijinaya Dawladda inay sameynayso wax walba si loo taageerro qoysaska.”Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale ka faa’iideysanaya dhowr mashruuc oo horay u jiray si loo xoojiyo wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya. Iyadoo loo marayo Baxnaano, Bankiga Adduunka wuxuu taageeri doonaa ku dhawaad 500,000 qoys si ay uga hortagaan abaaraha socda.“Waan ku faraxsanahay helitaanka warka, ogolaanshaha $143 milyan si wax looga qabto abaaraha, anagoo adeegsanayna barnaamijka qaran ee taageerrada qoysaska nugul ee Baxnaano, waxaan sii wadnaa inaan u adeegno kuwa ugu nugul.” Madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardosa Axmed Cabdullaahi ayaa hadalkay sheegtay, markii uu soo baxay go’aanka uu bangiga ku ansixiyay lacagtan.“Xaaladdu waa murugo, Bankiga Adduunkana waxa uu sameynayaa wax walba oo uu ku badbaadin karo kuwa ugu nugul xilligan,” ayay tiri Kristina Svensson, Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya. “Waxaan ka faa’ideysaneynaa iskaashiga aan la leenahay hay’adaha bani’aadamnimada si loo yareeyo xaaladdaha abaaraha,” ayay raacisay.Tirada dadka ku tiirsan gargaarka bini’aadantinimo ayaa la saadaalinayaa inay kor u kacdo 7.7 milyan oo qof sanadkan 2022, iyadoo lagu qiyaaso 3 milyan oo qof oo gudaha ku barokacay iyo ku dhawaad 70% dadka ku nool inay ka hooseeyaan heerka faqriga caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo next post Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah You may also like Trump oo shaaca ka qaaday in Weerarkii ugu xumaa ee abid lagu soo qaaday Mareykanka 08/05/2020 Kursi ka mid ah Xildhibaanada gobolada Waqooyi oo Muqdisho lagu doortay 05/02/2022 Maamulka Shabakadda Warbaahinta Warsan ayaa ka hadlay barnaamijyo maalmaha ciidul Adxaa oo ay uga talagaleen dhageystayaasha Idaacada Warsan. 08/07/2022 Dhageyso:-Dhalinyaradii ka soo jeedey Deegaanada KGS ee joogay Magaalada Baran ayaa waxaa loogu darey Mudo 10 maalmood 06/07/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 14/07/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 28/12/2020 Taalibaan iyo Iran oo dagaallamay 01/08/2022 WAFDI KA SOCDA MIDOWGA YURUB OO BAYDHABO SOO GAAREY 21/04/2018 Dhageyso:-Doorashada ka socoto Gobalka Bokool Si Cadaalad ah Ayeey ku socotaa 27/09/2017 Kuuriyada Waqooyi oo laba gantaal ku ridday meel ka baxsan xeebaha bari ee gacanka Kuuriya 18/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.