Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha written by Warsan Radio 24/06/2022 Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ku tilmaamay waxa u wanaagsan ee uu maqli lahaa go’aanka uu Bangiga Adduunka ku ansixiyay 143 milyan oo dollar , lacagtaa oo lagu taageerray barnaamijka qaran ee taageerrada Dadka nugul ee Baxnaano.Bangiga Adduunka ayaa taageero dheeraad ah siinaya hindisahan ay dowladdu hormuudka ka tahay. Maalgelinta dheeriga ah waxay ballaarin doontaa daboolida mashruuca horay u jiray ee 20,000 qoys. Waxay sidoo kale siin doonaa lacag caddaan ah oo degdeg ah 338,000 qoys, iyada oo ku dari doonta 160,000 qoys kuwaas oo horay uga heli jiray qaadashada lacagta caddaanka ah degdegga ah ee mashruuca qeybta ka ah barnaamijka Baxnaano ee taageerrada qoysaska uu saameeyay Ayaxa.“Taageerrada dhaqaale ee bangiga Adduunka waxay wax ka tari doonta ka jawaabida xaaladaha deg degga ah ee ka dhashay abaarta.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo inta ku daray “ Waan uga mahadcelinaya tallaabadan Bangiga Adduunka , waxaana xaqiijinaya Dawladda inay sameynayso wax walba si loo taageerro qoysaska.”Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale ka faa’iideysanaya dhowr mashruuc oo horay u jiray si loo xoojiyo wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya. Iyadoo loo marayo Baxnaano, Bankiga Adduunka wuxuu taageeri doonaa ku dhawaad 500,000 qoys si ay uga hortagaan abaaraha socda.“Waan ku faraxsanahay helitaanka warka, ogolaanshaha $143 milyan si wax looga qabto abaaraha, anagoo adeegsanayna barnaamijka qaran ee taageerrada qoysaska nugul ee Baxnaano, waxaan sii wadnaa inaan u adeegno kuwa ugu nugul.” Madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardosa Axmed Cabdullaahi ayaa hadalkay sheegtay, markii uu soo baxay go’aanka uu bangiga ku ansixiyay lacagtan.“Xaaladdu waa murugo, Bankiga Adduunkana waxa uu sameynayaa wax walba oo uu ku badbaadin karo kuwa ugu nugul xilligan,” ayay tiri Kristina Svensson, Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya. “Waxaan ka faa’ideysaneynaa iskaashiga aan la leenahay hay’adaha bani’aadamnimada si loo yareeyo xaaladdaha abaaraha,” ayay raacisay.Tirada dadka ku tiirsan gargaarka bini’aadantinimo ayaa la saadaalinayaa inay kor u kacdo 7.7 milyan oo qof sanadkan 2022, iyadoo lagu qiyaaso 3 milyan oo qof oo gudaha ku barokacay iyo ku dhawaad 70% dadka ku nool inay ka hooseeyaan heerka faqriga caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo next post Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah You may also like Ciidamada Dowladda oo hawlgal ka sameeyay wadada Muqdisho iyo Afgooye 25/11/2020 Faransiiska oo 2 askari looga dilay hawlgal militari ee dalka Mali 06/09/2020 Golaha Ammaanka oo walaac ka muujiyay go’aanka dowlada ay ku diiday Ergeyga Midowga Afrika 27/05/2021 Akhriso:-Faah Faahin: Heshiiska Amni ee London ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Beesha Caalamka 14/05/2017 Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Magacaabay Guddi ka ay kooban yihiin 8 Xubnood 08/01/2022 Madaxweynaha Galmudug oo cambaareeyay qarixii Jowhar, xilli Cali Guudlaawe ka hadlin 17/07/2022 Dowlada Masar oo looga digay faragalinta ay ku heyso dalka Liibiya 21/06/2020 Musharax Madaxweyne Daahir Geelle “Qofka doorashooyinka boobaya waa qof aan isku kalsoonayn oo aaminsan in uusan rabitaanka dadkiisa kasban karin” 12/03/2022 Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta ansixiyey sharci muhiim ah 02/11/2020 Maxbuus Falastiini oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Israel 20/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.