Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay written by Warsan Radio 24/06/2022 Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa waraaqaha aqoonsiga ergeynimo ka gudoomay Ergeyga cusub Dowladda Soomaaliya u fadhin doona ergada joogtada Soomaaliya u qaabilsan Ururka (OIC) Dr ibraahim Aadan Muuse.Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka waraaqaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Ururka ee magaalada jiddah ee dalka Sacuudi carabiya ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen baahida loo qabo sidii loo horumarin lahaa siyaasadda iyo istiraajiidiyadda uu ururka (OIC) ugu talo galay xaqiijinta himilooyinka dunida islaamka.Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa sheegay in maamulka Sare ee Ururka ay gacan weyn ku siin doonaan xilka loo soo magacaabay Dr ibraahim Aadan Muuse.Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacaawday Ururka OIC Dr ibraahim Aadan Muuse ayaa dhankiisa u mahad celiyay Xoghayaha guud ee Ururka (OIC) sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay ururka, isaga oo ballan qaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka wanagsan oo ay Soomaaliya la leedahay Ururka.Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa waxaa ku Midoobay ilaa 57 dal oo ah wadamada Islaamka, waxaana la Aas’aasay Sanadkii 1996-kii, iyada oo Soomaaliya laheyd fikradii lagu sameeyay Ururkaas. Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah next post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan You may also like Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada qalabka Sida 26/03/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 25/02/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 25/03/2019 Saraakiil milateri oo sheegay inay xukunka ka tuureen Hoggaamiyihii Burkina Faso 01/10/2022 Israa’iil iyo Xamaas oo kordhiyay heshiiska xabad joojinta ah ee u dhaxeeya 28/11/2023 Dad shacab ah oo duleedka magaalada Xuddur uga geeriyooday walxo qarxa oo meel duur ah kula kacay 04/01/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 07/08/2020 RW Xamse oo Qaabilay danjiraha boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya 07/08/2023 DHAGEYSO :- WARBIXIN KUSAABSAN DOORASHADII MAANtA KA DHACDAY BEYDHABO IYO SHIR JARAAID AY WADA QABTEEN MADAX WEEYNAHA KGS IYO MICJAL CITTIN AYAGOO KA QEEB GALAY DOORASHADA MAANTA QEEBTEEDI HURE 19/11/2016 Dhageyso ATHIINY MO’OSHIITHY QEYBTII 9AAD OO KI TIRSANGH QEYBTII 4AAD MAREGHDII TARASH 10/02/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.