Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay written by Warsan Radio 24/06/2022 Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa waraaqaha aqoonsiga ergeynimo ka gudoomay Ergeyga cusub Dowladda Soomaaliya u fadhin doona ergada joogtada Soomaaliya u qaabilsan Ururka (OIC) Dr ibraahim Aadan Muuse.Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka waraaqaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Ururka ee magaalada jiddah ee dalka Sacuudi carabiya ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen baahida loo qabo sidii loo horumarin lahaa siyaasadda iyo istiraajiidiyadda uu ururka (OIC) ugu talo galay xaqiijinta himilooyinka dunida islaamka.Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa sheegay in maamulka Sare ee Ururka ay gacan weyn ku siin doonaan xilka loo soo magacaabay Dr ibraahim Aadan Muuse.Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacaawday Ururka OIC Dr ibraahim Aadan Muuse ayaa dhankiisa u mahad celiyay Xoghayaha guud ee Ururka (OIC) sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay ururka, isaga oo ballan qaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka wanagsan oo ay Soomaaliya la leedahay Ururka.Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa waxaa ku Midoobay ilaa 57 dal oo ah wadamada Islaamka, waxaana la Aas’aasay Sanadkii 1996-kii, iyada oo Soomaaliya laheyd fikradii lagu sameeyay Ururkaas. Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah next post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan You may also like Biyo la’aan daran oo ka jirta gobolka Gedo 28/02/2021 Maxkamad Dil toogasho ah ku fulisay Lamaane si xun u dilay caruur 02/02/2024 IESG Newsletter_February-March 2020 19/04/2020 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xilalkii ka qaaday Wasiiro kuwo kalena Magacaabay 08/08/2021 DHAGEYSO :WARBIXIN .3 BIL KA DIB XARIGA MUKHTAAR ROOBOW MAXAA ISKA BEDELEY . 13/03/2019 Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay 7 Ruux 31/07/2022 Madaxweynaha cusub KGS Cabdicasiis Laftagareen oo ka codsaday Odayaasha Akriso+Sawiro:-dhaqanka KGS in ay la shaqeeyaan sidii ay ula shaqeeyeen Shariif Xasn Sheekh Aadan. 24/12/2018 DAAWO MUQAALKAAN HEESTII CUSBEED OO NOOQAADAY ALFANAAN ABDULKADIR JOKER NEW DAAWASHO WACAN 2016 20/07/2016 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka jeediyay Shirka Isbedelka Cimilada 08/11/2022 Mahdi Guuleed “Suura-gal maaha in mar kasta seddex sano kadib la wiiqo Baarlamanka oo masiirka dalka 10 nin qaataan” 03/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.