Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay written by Warsan Radio 24/06/2022 Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa waraaqaha aqoonsiga ergeynimo ka gudoomay Ergeyga cusub Dowladda Soomaaliya u fadhin doona ergada joogtada Soomaaliya u qaabilsan Ururka (OIC) Dr ibraahim Aadan Muuse.Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka waraaqaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Ururka ee magaalada jiddah ee dalka Sacuudi carabiya ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen baahida loo qabo sidii loo horumarin lahaa siyaasadda iyo istiraajiidiyadda uu ururka (OIC) ugu talo galay xaqiijinta himilooyinka dunida islaamka.Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa sheegay in maamulka Sare ee Ururka ay gacan weyn ku siin doonaan xilka loo soo magacaabay Dr ibraahim Aadan Muuse.Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacaawday Ururka OIC Dr ibraahim Aadan Muuse ayaa dhankiisa u mahad celiyay Xoghayaha guud ee Ururka (OIC) sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay ururka, isaga oo ballan qaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka wanagsan oo ay Soomaaliya la leedahay Ururka.Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa waxaa ku Midoobay ilaa 57 dal oo ah wadamada Islaamka, waxaana la Aas’aasay Sanadkii 1996-kii, iyada oo Soomaaliya laheyd fikradii lagu sameeyay Ururkaas. Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah next post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan You may also like Guddoomiye Aadan Madoobe oo Ciidanka ATMIS kala hadlay sugida Amniga Shirka Baydhabo 10/01/2023 Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Oo Haweenka Kala Hadlay Caqabadaha Heysta 24/09/2022 AKHRISO:- Shirka Goloha Wasiiradda oo looga hadlay Hanaanka Deyn cafinta Soomaaliya 05/04/2018 Dhageyso:-Wareysi Xasaasi Ah Aanu Layeelanay CHEF SAGAAREY,, 11/11/2017 Akhriso:-Qaraxa Muqdisho kadhacay oo Xildhibaan ka badbaaday 18/09/2019 Wararkii ugu danbeeyay Macalin Dugsi Qur’aan iyo Xertiisa oo lagu laayay Sh/Dhexe 22/10/2023 Dhageyso:Warka Galab ee Idaacada Warsan 11/08/2020 Boqor Salmaan oo isbitaal la dhigay 08/05/2022 Why is Robow under arrest for 3 years? 09/10/2021 MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA 13/10/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.