Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay written by Warsan Radio 24/06/2022 Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa waraaqaha aqoonsiga ergeynimo ka gudoomay Ergeyga cusub Dowladda Soomaaliya u fadhin doona ergada joogtada Soomaaliya u qaabilsan Ururka (OIC) Dr ibraahim Aadan Muuse.Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka waraaqaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Ururka ee magaalada jiddah ee dalka Sacuudi carabiya ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen baahida loo qabo sidii loo horumarin lahaa siyaasadda iyo istiraajiidiyadda uu ururka (OIC) ugu talo galay xaqiijinta himilooyinka dunida islaamka.Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa sheegay in maamulka Sare ee Ururka ay gacan weyn ku siin doonaan xilka loo soo magacaabay Dr ibraahim Aadan Muuse.Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacaawday Ururka OIC Dr ibraahim Aadan Muuse ayaa dhankiisa u mahad celiyay Xoghayaha guud ee Ururka (OIC) sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay ururka, isaga oo ballan qaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka wanagsan oo ay Soomaaliya la leedahay Ururka.Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa waxaa ku Midoobay ilaa 57 dal oo ah wadamada Islaamka, waxaana la Aas’aasay Sanadkii 1996-kii, iyada oo Soomaaliya laheyd fikradii lagu sameeyay Ururkaas. Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah next post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Arimaha Caalamka 05/09/2020 Kulan la filayo inay yeeshaan dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka 25/02/2021 Al-Shabaab oo dagaaal iyo weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigyada ciidamada Kenya 01/07/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 19/04/2022 Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 14/05/2023 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 29/03/2022 Madaxweyne Farmaajo oo guddi u magacaabay baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax 13/09/2021 Shacabka Imaaraadka oo billaabay kacdoon ka dhan ah xiriirka lala yeeshay Israel 25/08/2020 Daawo Video Waxaa Sii Kordhaya Dhibaatooyinka Abaaro ka Taagan Deganada KGS. 08/01/2017 Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay Rag Kufsi iyo dhac geystay 02/02/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.