In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo written by Warsan Radio 24/06/2022 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa 30 Carruur ah saacadihii la soo dhaafay xaalad bafaqa darro ay ugu geeriyootay isbitaalka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.Carruurtaan ayaa waxaa laga kala keenay qaar kamid ah degaannada iyo degmooyinka Gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan degaannada ay maamulaan Al-Shabaab, waxana saameyn weyn ku yeeshay xaaladda abaareed ee kajirta degaannada Jubbaland.Madaxa qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo Faysal Aadan Ibraahim oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in dad gaaraya ilaa 400 oo Ruux oo kamid ah dadka ay sameysay abaarta ee ka qaaday xanuuno kala duwan haatan lagu daweeynayo isbitaalka Magaalada kismaayo.Sidoo kale Feysal waxaa uu sheegay in xaaladda nafaqa darro ee heysata Carruurta kunool degaannada Gobolada Jubbooyinka ay yihiin kuwo aad u daran ayna siweyn u saameysay abaarta, sidoo kalena ay jiraan kuwo badan oo weli ka barakacaya.Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa waxa weli kajirta abaar daran, waxaana ay siweyn u saameysay dad iyo duunyo, iyada oo dowladda Maamulka Jubbaland & Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashadooda. In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 22/05/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/06/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/11/2021 Booliska Ruushka oo xirxirey kumanaan ruux oo banaanbaxyo dhigayay (Sawiro) 24/01/2021 Madaxweyne Deni oo Daah-furay imtixaan ay u fariisteen kumanaan arday ah (Sawirro) 04/07/2020 Duqeyn diyaaradeed oo Maanta ka dhacday degaan ka tirsan Gobolka Gedo 07/10/2021 DHAGEYSO :- WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN RADIO EE MAGAALADA BAYDHABO 15/11/2016 Special Representative of the Secretary-General for Somalia Condemns Attack on UN and AMISOM Compounds in Mogadishu 13/10/2019 Dhageyso:-Jah wareerka Siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Ka jira iyo Mooshinka Xildhibaanada Warbixin Aan ugu Magac darney 14/11/2017 Majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Muqdisho 27/09/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.