In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo written by Warsan Radio 24/06/2022 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa 30 Carruur ah saacadihii la soo dhaafay xaalad bafaqa darro ay ugu geeriyootay isbitaalka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.Carruurtaan ayaa waxaa laga kala keenay qaar kamid ah degaannada iyo degmooyinka Gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan degaannada ay maamulaan Al-Shabaab, waxana saameyn weyn ku yeeshay xaaladda abaareed ee kajirta degaannada Jubbaland.Madaxa qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo Faysal Aadan Ibraahim oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in dad gaaraya ilaa 400 oo Ruux oo kamid ah dadka ay sameysay abaarta ee ka qaaday xanuuno kala duwan haatan lagu daweeynayo isbitaalka Magaalada kismaayo.Sidoo kale Feysal waxaa uu sheegay in xaaladda nafaqa darro ee heysata Carruurta kunool degaannada Gobolada Jubbooyinka ay yihiin kuwo aad u daran ayna siweyn u saameysay abaarta, sidoo kalena ay jiraan kuwo badan oo weli ka barakacaya.Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa waxa weli kajirta abaar daran, waxaana ay siweyn u saameysay dad iyo duunyo, iyada oo dowladda Maamulka Jubbaland & Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashadooda. In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha You may also like Jubbland oo shaacisay jadwalka soorashada 16 kursi ee Gedo 15/04/2022 Maxay tahay sababta Somaliland Idaacadda BBC-da uga mamnuucday degaannadeeda? 19/07/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 08/07/2021 Akhriso:-Canada oo ka hadashay dilkii Hodan Naaleeye. 15/07/2019 Daawo GUDIGA DOORASHADA KGS OO WAR MURTIYEED SOO SAAREY QAABKII DOORASHADA UDHICI LEHEED 02/11/2018 Dowlada Somalia oo faahfaahisay duqeyn lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab 21/08/2020 DHAGEYSO;- WARKA DUHURNNIMO EE IDAACADA WARSAN 28/10/2022 WHO oo sheegtay Cudurka Corona in uu dhibaato ba’an ku hayo caalamka 21/05/2020 Hay’adda FOA oo soo saartay digniin sare oo ku saabsan webiga Shabeelle ee mara Baladweyne 18/08/2020 DHAGEYSO: Warka Caawa ee Idaacada Warsan 10/03/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.