In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo written by Warsan Radio 24/06/2022 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa 30 Carruur ah saacadihii la soo dhaafay xaalad bafaqa darro ay ugu geeriyootay isbitaalka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.Carruurtaan ayaa waxaa laga kala keenay qaar kamid ah degaannada iyo degmooyinka Gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan degaannada ay maamulaan Al-Shabaab, waxana saameyn weyn ku yeeshay xaaladda abaareed ee kajirta degaannada Jubbaland.Madaxa qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo Faysal Aadan Ibraahim oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in dad gaaraya ilaa 400 oo Ruux oo kamid ah dadka ay sameysay abaarta ee ka qaaday xanuuno kala duwan haatan lagu daweeynayo isbitaalka Magaalada kismaayo.Sidoo kale Feysal waxaa uu sheegay in xaaladda nafaqa darro ee heysata Carruurta kunool degaannada Gobolada Jubbooyinka ay yihiin kuwo aad u daran ayna siweyn u saameysay abaarta, sidoo kalena ay jiraan kuwo badan oo weli ka barakacaya.Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa waxa weli kajirta abaar daran, waxaana ay siweyn u saameysay dad iyo duunyo, iyada oo dowladda Maamulka Jubbaland & Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashadooda. In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha You may also like Jaamacadda Oxford oo sheegtay inay mudo gaaban talaal ugu helayso Covid-19 18/04/2020 Donald Trump oo ka hadlay wiilkii Somaliga ee weeraray Jaamacadda Ohio 30/11/2016 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Waran 22/01/2024 Dhageyso:- Warka Galab ee Idaacada Warsan 04/03/2022 Dhageyso Warka Habeenimo Afka Maayga Ee Radio Warsan Magaalada Baydhabo. 13/08/2016 32 qof oo ku dhintay dab si ula kac ah loo kiciyay dalka Madagascar 31/07/2022 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 23/08/2021 Akhriso:-Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Dib-u-eegis Lagu Sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda Iyo Ka Hor-tagga Afduubka 23/01/2020 Alshabaab oo sheegtay Masuuliyadda dilka xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle 05/07/2020 Dhageyso+Sawiro:-Dood looga hadlayey doorka dhalinyarada ay ku leeyihiin siyaasadda dalka. 13/11/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.