Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like Abiy Axmed oo war hor leh kasoo saartsy Dagaalada kasoo cusboonaaday wadankaasi 28/08/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 02/06/2021 Askar Ethiopian ah oo magan-galyo weydiistay Sudan 10/05/2021 Dhageyso:- Barnaamijka Kulanka Warsan 26/03/2022 Akhriso:- Khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay duleedka Muqdisho 02/01/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 05/01/2022 Ciidamada dowladda oo isaga baxay degaano katirsan Gobolka Galgaduud 29/08/2023 RW Xamse Barre oo Warbixin la wadaagay Saraakiil tababar u socda 09/09/2023 Sii Hayaha Xilka RW oo booqday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda 27/07/2020 Daawo Sawiro Xafladii Soo Dhaweynta Farmaajo ee Soomalida ku dhaqan magaalada Phoenix arizona dalka USA, 13/02/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.