Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 07/02/2023 Weriyihii Larry King oo u geeriyooday cudurka Covid 19 24/01/2021 Soomaaliya oo Maanta la filayo in laga cafiyo deynta Caalamka ku leeyahay 13/12/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 24/03/2022 AKHRISO:-Taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalka, Booliska iyo Nabadsugida oo xilalka laga qaaday 06/04/2017 Golaha Shacabka oo maanta codka kalsoonida siiyay Raisal Wasaare Eng Maxamed Xuseen Rooble 23/09/2020 Beesha Caalamka oo soo Dhoweeyay Kulanka ka Socda Dhuusamareeb 04/02/2021 Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab 11/02/2023 Wasiirka Arrimaha dibadda XFS oo gaaray dalka Suudaan 28/02/2020 Wararkii ugu dambeeyay ee Cudurka Covid 19 ee dalka Soomaaliya 01/09/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.