Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like DAAWO Video:Nabadoon Cali Xasan Macalin Oo ka hadlay Caqabadaha Haysta Buurhakaba 23/11/2017 VIDEO:-Degreeto Ka Soo Baxday M KGS Shariif Xasan Ayaa Lagu Magacaabay Guddoomiyaha ee Maxakamadda Sare 14/01/2018 Dad ku dhintay weerar Hoobiyeyaal ah oo ka dhacay degaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe 12/05/2022 Doomo siday ku dhawaad 100 tahriibayaal ah oo ku degay Jasiiradda Lampedusa 06/08/2023 Xildhibaano War kasoo saaray dagaalka Magaalada Laas-Caanood 07/02/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha 08/03/2021 Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka ATMIS 04/05/2022 AKHRISO:-Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo xilal kale 22/03/2017 Howlgalka ATMIS oo hub laga furtay Al-Shabaab ku wareejiyay Ciidanka xoogga dalka 03/05/2022 Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milari u fidiyaan Ukraine 13/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.