Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like Mashaariic Laga hirgalineyo Deeganada Maamulka KGS . 24/04/2019 DAAWO: RW Kheyre oo khudbad kicisay dareenka Carabka ka jeediyay Shir ka socda Qatar 14/05/2017 Akhriso+Sawiro:- Wafdi balaaran oo ka socda Jubaland oo Xariga ka jarey Mashaariic horomarineed oo laga hergeliyey degmada Baardheere 28/02/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/01/2021 Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo howlgal kudilay Xubno katirsan Al-Shabaab 13/07/2023 Maxamed Ibraahim Macalimuu oo loo magacaabay Afhayeenka Xukuumadda 30/12/2020 Soomaaliya & Talyaaniga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah 12/06/2022 Ruushka iyo Taliban oo heshiis Cusub kala saxiixday 29/09/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 11/12/2020 Guddoomiye Aadan Madoobe oo gaaray Magaalada Washington 23/10/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.