Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like video Wariye lagu Aasay Muqdisho 13/09/2017 War-Saxaafadeed Wadajir ah oo laga soo saarey Xaaladda Gedo. 08/03/2020 Doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo ka socota Kismaayo 23/01/2022 Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka jawaabay cabasho uga timid Warbaahinta madaxa banaan 14/05/2022 Somalia calls for international cooperation to stop illegal charcoal trade 07/05/2018 Beledweyne: Taliyaasha Cusub ee Guutadda 5-aad oo xilalka kala wareegay Taliskii Hore (Sawiro) 22/08/2020 Dhageeyso Godoomiyaha Gobalka Baay oo Ka Tacsiyadeeynaya Geeridii ku timid Godoomiya ha Buurhakaba Marxuun Maxamed Cabdi Maxamed 08/11/2016 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/02/2021 WFP oo dalbatay in waddooyin ammaan ah si ay u tagto Gaza 11/10/2023 Hubka Ay Iran Siiso Xuutiyiinta Yemen Oo La Sheegay In Loo Soo Gudbiyo Soomaaliya 11/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.