laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ciidamada kala duwan ee Booliska Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa NISA ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo Alniga Caasimadda, kadib markii ay Magaalada kusoo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dilaya kadibna dhac u geeysanaya.Ciidamada ayaa xalay howlgallo ka sameeyay degmooyin katirsan Gobolka Banaadir, sida, Waaberi, Hodan iyo Dharkeenleey, iyaga oo gacanta ku dhigay Kooxo hubeysan oo Burcad ah, Ciyaal weero iyo waxyaabaha Maanka dooriya.Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay dad aan aheyn Ciidan oo Magaalada Muqdisho ku dhex watay hub sharci darro ah iyo Maandooriye farabadan, sida Xashiishka iyo Khamriga.Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in marnaba Ciidamada Booliska Soomaaliya aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo dadka Shacabka, isaga oo dhinaca kale Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga iyo ka hortagga Kooxaha Burcadda ah.Waxaa uu markale ku celiyay Afhayeenka in Ciyaal weeradii dadka dhibaatada ku haayay ay isku bedeleen kuwo Gaangis ah oo dadka dhibaateeyo, isaga oo Waalidiinta uga digay inay soo daba galaan Ciyaal weerada lagu soo qabtay, iyaga oo faraha kula jira falal liddi ku ah Amniga.Howlgalkan Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa daba socday kadib markii shalay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya uu ku dhawaaqay in Muqdisho laga bilaabayo howlgallo ka dhan ah Kooxaha Burcadda ah iyo Ciyaal weerada. laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya next post Dhageyso:-Warka Duhurnimo ee Radio Warsan You may also like Ciidamada xoogga oo Xudur geeyay gaadiid ku xayirnaa Ceelbarde ee gobalka Bakool 03/02/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 31/08/2022 Dhageyso;- Barnaamijka Bandhiga Warsan 24/07/2022 Ciidamada dowladda oo isku fidiyay degaano katirsan Galgaduud 22/10/2023 Ciidamada Yuhuuda oo in ka badan 100 falastiiniyiin ah ku dilay Gaza 21/03/2024 Dhageyso:-KULANKII GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA SOOMAALIYA OO BAYDHABO KU SOO DHAMAADAY ISLA MARKAANA WARMURTIYEED LAGA SOO SAARAY. 16/05/2018 RW Xamse oo sheegy in Xukuumaddiisu ay qaadeyso Tallaabo ka dhan ah kooxaha Faafiya wararka been Abuurka ah 03/06/2023 Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo 14/08/2022 Wasiir Faarax Cabduqaadir oo soo saaray Amar ku socda Bahda Waxbarashada 17/08/2023 Dhageyso:- Barnaamijka Kulanka Warsan 22/01/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.