Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in dalka ay kajirto Abaar daran written by Warsan Radio 06/07/2022 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada Msamulka Jubbaland.Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay Xildhibaanada golaha wakiilada isagoo ka hadlay dhinacyo kala duwan.Waxaa ugu horayn uu Madaxweynahu tilmaamay in guud ahaan dalka ay ka jirto abaar daran meelaha roobabku ay ka da’eena ay wali ku danbayso saamaynta abaarta oo roob ku filan aanay deegaanada qaar aanay helin.Madaxweynahu wuxuu sheegay in barakaca gudaha ah uu yahay mushkilada ugu weyn ee mustaqbalka lala tacaali doono sidii nolol iyo dib u habayn loogu samayn lahaa dadka gudaha ku xoolo beelay ee dulsaarka ku noqday Magaalooyinka.Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay dhaqaalaha oo hoos u dhac balaaran uu ku yimid taas oo ay sabab u tahay dagaalka kasocda Yukrayn taas oo khalkhal guud galisay dhaqaalaha aduunka oo dhan iyo xanuunka Covid-19 oo Wali saamayntiisa ay aduunka ka jirto.Dhinaca amniga Madaxweynahu wuxuu u mahad celiyay ciidamada kala duwan ee hay’adaha amniga oo maalmahii lasoo dhaafay sameeyay howlgallo ka dhan ahaa Al-Shabaab, isagoo sheegay inay jiraan dad suurad xumaynaya ciidamada iyo dagaalka ay kula jiraan argagixisada taas oo ah wax aan la aqbali Karin.Dagaalka Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay inuu rajo Wanaagsan ka qabo in loo midoobo isla markana Dowlada iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay ka shaqayn doonan sidii si wadajir ah loogu soo afjari lahaa si loo gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee doorashooyinka qof iyo codka ah iyo Dhamaystirka dastuurka.Madaxweynaha waxaa kale oo uu ka hadlay xaalada gobolka Gedo isagoo sheegay in dhawaan halkaas laga bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanka isla markaana la fulin doono dhamaan mashariicdii hakadka ku jirtay mudadii Dowladii hore ii qalalaasaha kajiray gobolka.Waxaa Madaxweynahu uu dadka gobolkaas ugu baaqay Midnimo iyo wadajir isagoo tilmaamay in wax walba oo jira wada hadal lagu dhamayn doono.Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in dhawaan lasoo gaba gabayn doono mashariicda hada socota oo ay kamid yihiin dhismaha jidadka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah kuwo Cusubna la bilaabi doono.Golayaasha deegaanka ayuu Madaxweynahu sheegay in la dadajin doono isla markana ay la socdaan mashariic Waa weyn oo wax ka badalaya nolosha bulshada.Madaxweynahu wuxuu ka codsaday Xildhibaanada inay ansixiyaan labo degmo oo lagu soo kordhiyay Jubbaland kuwaas oo kala ah Buurdhuubo iyo Dhoobleey.Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha wakiilada sida ay ugu dhabar adaygeen xaalada guud ee ka jirtay Jubaland sanadahii lasoo dhaafay taas oo tusaale u ah sida ay shacabkooda ula qaybsanayaan duruufaha jiray isagoo si rasmi ah u furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada. Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in dalka ay kajirto Abaar daran was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Kulan u socdo Madaxweyne Xasan Sheekh & dhiggiisa Turkiga next post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan You may also like Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka dowlad degaanka Soomaalida 09/08/2022 Dhageyso:-Wasiirada Cusub Ee Kg Oo Boqol Labaatan Iyo Sedax Cod Oo Lagu Ansixiyay 27/02/2019 Guddiga doorashooyinka Galmudug oo shaaciyay qabashada doorashada 8 kursi 05/02/2022 Taliye kuxigeenkii hore ee ciidanka xoogga dalka oo ka badbaaday qaraxii saaka 18/06/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 02/05/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 14/06/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 20/07/2022 Ra’iisul Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Guddiyada Doorashooyinka 10/06/2021 Mareykanka oo ka walaacsan hanjabaadaha Iran ee ka dhanka ah boqortooyada Sacuudiga 02/11/2022 Taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug oo Maanta la dilay 17/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.