Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed oo kumannaan ka mid ah ay ka soo qalin jabiyeen.Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsiga, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya next post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya You may also like Danjiraha Turkiga Ee Soomaaliya Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabiley Duqa Muqdisho 12/01/2021 Gudoomiye Sheekh Aadan oo kormeerey goobaha la dajinaya martida ka qeyb galeysashirka 15/01/2023 Maamulka Degmada Baydhabo: Shacabka Ha ilaaliyaan Bilicda Magaalada Baydhabo. 20/05/2018 Akhriso+Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Khayre: Mowqifka Dowladda Waa In La Dhamaystiraa Hay’adaha Dowladeed Ee Galmudug 26/06/2019 Wasiir Wasaarada Caafimaadka oo saxiixday Siyaasadda Tallaalka Qaranka 14/07/2020 Hanti-dhowaraha qaranka oo shaaciyey lacag malaayiin dollar ah oo laga xaday miisaaniyadda DF 21/11/2021 Dhageyso;- Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan 28/11/2022 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/04/2020 Dhageyso;- Barnaamijka Bandhiga Warsan 23/07/2022 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 24/03/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.