Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed oo kumannaan ka mid ah ay ka soo qalin jabiyeen.Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsiga, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya next post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya You may also like Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 31/07/2022 Urur Goboleedka IGAD oo war ka soo saartay Iska horimaayadii shalay ka dhacay Muqdisho 20/02/2021 Ciidanka xoogga dalka oo qabtay Rag miino Aasayay 08/12/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 05/11/2020 Daawo:-NUSOJ oo 35 wariye u qabatay dood ku saabsan xoriyadda hadalka, xeerka saxaafadda iyo ciqaabta dambiyadda * 23/09/2017 Dhageyso;- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 24/08/2022 Dhageeyso;-Wareegii kala baxa ahaa ee Tartan Aqooneedka Warsan oo Salaameey {B} iyo Wadajir {B} ka Hareen. Bardaale {B} na iska xaadirisay fiinaalka . 21/06/2017 Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay qoysaska Dadkii lagu dilay Degmadda Boondheere 26/04/2020 Maxay Golaha Muslimiinta Faransiiska ka yirahdeen hadalka Erdogan? 27/10/2020 Dhageyso: Webiga Shabelle ee mara Gobalada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan ayaa keenay biyo badan, ka dib markii guray bilihii la soo dhaafay {warbixin} 17/04/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.