Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed oo kumannaan ka mid ah ay ka soo qalin jabiyeen.Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsiga, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya next post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya You may also like Daawo Vedio Shir looga hadlayo tayeynta iyo dhismaha Dowladaha Hoose ee maamul goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. 04/08/2016 Maxay tahay sababta Taliyaha NISA iyo Taliyaha hoggaanka daba-galka ay u gaareen Dooxa? 26/09/2020 Akhriso:-Faah Faahin: Heshiiska Amni ee London ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Beesha Caalamka 14/05/2017 Dhageyso;- Barnaamijka Athiiny kydeyooy qeybtiisa 17 aad 01/11/2022 Sawiro;-Madaxweyne Laftagareen oo Wafdi ka socda Q/ Midoobay oo Qaabilay 03/09/2022 Dagaal Xoogan Oo Goordhow ka Bilowdey Magaalada Dhuuso mareeb 01/07/2020 Mareykanka oo dadka u geeriyooday Coronavirus ay gaartay 40,000 oo qof 20/04/2020 Akhriso+Sawiro:- Madaxweyne Waare oo Shacabka reer Jowhar la tukaday Salaada Ciidda 21/08/2018 Faah faahin kasoo baxeysa Weerar iyo Dil ka dhacay Magaalada Boosaaso 11/02/2024 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 31/12/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.