Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed oo kumannaan ka mid ah ay ka soo qalin jabiyeen.Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsiga, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya next post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya You may also like Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 03/06/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 29/12/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 09/11/2021 Dowladda Puntland Oo Shuruud Culus Ku Xirtay Ka Qeyb Galka Shirka Magaalada Muqdisho 23/02/2021 Akhriso:- Eng Yariisoow Roobabkii ka da’ay Muqdisho waxey geysteen khasaare hantiyeed oo gaaraya $ 35 miilyan 22/05/2018 Dhageyso : Warka Duhurnimo ee Idaacada Wrasan 10/04/2023 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 17/09/2021 Doorasho Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar 10/04/2022 Daawo Arday tiradooda gaarayso lix boqol iyo konton arday ayaa maanta lagu gudoonsiiyay Shahaadooyin 24/02/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 24/09/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.