Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed oo kumannaan ka mid ah ay ka soo qalin jabiyeen.Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsiga, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya next post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya You may also like Muxuu ka yiri RW Rooble Qaraxii Maanta ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyada? 25/09/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 29/05/2021 Dhageyso:-XILDHIBAAN IDIRIS CABDI DHAQTAR IYO QUNSULKA DOWLADDA ITOOBIYA 30/12/2017 Turkiga oo Yurub u fasaxay qaxootigii uu haayey 28/02/2020 Mareykanka iyo Ingiriiska oo weerarka cirka ah ku qaaday Xuutiyiinta Yemen 25/02/2024 Goobaha ganacsi ee Suuqa degmada Afgooye oo xiran & Xiisad halkaas ka taagan 08/07/2023 Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Haweenka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyey Maalinta Caalamiga Ah Ee 8da Maarso 08/03/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 25/10/2021 Sawiro;-Madaxweynaha Jubaland oo Wadahadal la yeeshay James Swam iyo Xubno Katirsan QM 20/09/2022 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/10/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.