Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho written by Warsan Radio 06/07/2022 Alle ha u Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenleey qarax loogu xiray Gaarigiisa lagu dilay Xaashi Cumar oo ahaa muwaadinkii Somaaliyeed ee u xirnaa Dawladda Talyaaniga muddo 19 sano, balse markii la soo daayay dhawaan helay Lacag magdhow oo gaareysa $5 Milyan.Cumar Xaashi ayaa dowladda Talyaaniģa waxaa ay u heeysatay inuu ka dambeeyey dil Magaalada Muqdisho loogu geystay gabar wariyaha ahayd oo lagu Magacaabi jiray llaria Alpi 20-kii Bishii Maarso sanadkii 1994-tii, Hayeeshee markii dambe wax dambi ah lagu waayay.Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Xaashi dhaawac culus oo markii hore kasoo gaaray qaraxa uu ugu geeriyooday mid kamid ah Isbitaallada kuyaalla Magaalada Muqdisho oo xaaladiisa lagula tacaalayay.Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo muddo kooban xiray waddooyinka soo gala Goobta, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa iyo dad loo qabtay.laamaha Amniga Soomaaliya iyo Maamulka degmada Dharkeenleey ayaan weli ka jadlin qaraxa waxaana uu kusoo beegmayaa xilli magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay ay ka yaraadeen qaraxyada gawaarida dadka loogu xiro.Xaashi Cumar ayaa dowladda Talgaaniga waxaa ay xabsiga kasiideysay sanadkii 2016-kii kadib markii lagu waayay dambiga ahaa in uu ka dambeeyay dilka gabar wariye ahayd oo ka tirsanayd Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday, kuwaas oo Muqdisho u yimid baaritaanka eedeymaha sheegayay, in shirkaddo laga leeyahay Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey kooxeedyadii Soomaaliya. Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa next post Kulan u socdo Madaxweyne Xasan Sheekh & dhiggiisa Turkiga You may also like DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 29/03/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/05/2022 Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 15 katirsan Al-Shabaab 27/01/2022 Dhageyso :- Warka Galab ee Idaacada Warsan 01/02/2022 Sacuudiga oo xaniibada ka qaadya magaalooyinka barakaysan ee Makkah iyo Madiino 26/05/2020 Qarax ay ku dhinteen ku dhawaad 40 qof oo ka dhacay Pakistan 31/07/2023 Baarlamaanka Dowladda Masar oo u codeeyay in Ciidamo loo diro Wadanka Liibiya 21/07/2020 Jabuuti: Dadka uu ka dhacay Coronavirus oo 400 kor u dhaaftay 16/04/2020 laamaha Amniga oo Muqdisho ku burburiyay wax yaabaha Maanka Dooriya iyo ragii la socday 22/09/2022 Mareykanka: In ka badan labo kun oo qof oo u dhintay Coronavirus muddo 24-saac 16/04/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.