Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho written by Warsan Radio 06/07/2022 Alle ha u Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenleey qarax loogu xiray Gaarigiisa lagu dilay Xaashi Cumar oo ahaa muwaadinkii Somaaliyeed ee u xirnaa Dawladda Talyaaniga muddo 19 sano, balse markii la soo daayay dhawaan helay Lacag magdhow oo gaareysa $5 Milyan.Cumar Xaashi ayaa dowladda Talyaaniģa waxaa ay u heeysatay inuu ka dambeeyey dil Magaalada Muqdisho loogu geystay gabar wariyaha ahayd oo lagu Magacaabi jiray llaria Alpi 20-kii Bishii Maarso sanadkii 1994-tii, Hayeeshee markii dambe wax dambi ah lagu waayay.Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Xaashi dhaawac culus oo markii hore kasoo gaaray qaraxa uu ugu geeriyooday mid kamid ah Isbitaallada kuyaalla Magaalada Muqdisho oo xaaladiisa lagula tacaalayay.Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo muddo kooban xiray waddooyinka soo gala Goobta, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa iyo dad loo qabtay.laamaha Amniga Soomaaliya iyo Maamulka degmada Dharkeenleey ayaan weli ka jadlin qaraxa waxaana uu kusoo beegmayaa xilli magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay ay ka yaraadeen qaraxyada gawaarida dadka loogu xiro.Xaashi Cumar ayaa dowladda Talgaaniga waxaa ay xabsiga kasiideysay sanadkii 2016-kii kadib markii lagu waayay dambiga ahaa in uu ka dambeeyay dilka gabar wariye ahayd oo ka tirsanayd Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday, kuwaas oo Muqdisho u yimid baaritaanka eedeymaha sheegayay, in shirkaddo laga leeyahay Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey kooxeedyadii Soomaaliya. Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa next post Kulan u socdo Madaxweyne Xasan Sheekh & dhiggiisa Turkiga You may also like DAAWO VIDEO GUDIGA ABAARAHA SOMALIA OO $150,000 KU WAREEJIYEEN KOONFUR GALBEED SOMALIA 14/02/2017 Laamaha ammaanka Puntland oo fuliyay awaamiir ay dhawaan soo saareen 22/01/2024 Guddoomiye Jeyte oo ka hadlay dilalkii ka dhacay Beledweyne farriin hanjabaad ahna diray 31/05/2022 Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in uu furmo Magaalada Dhuusamareeb 26/08/2023 Booliska Nigeria oo lagu eedeeyay toogashada haaweeney xaamilo ah 28/12/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 10/07/2021 Akhriso:-Guddoonka Baarlamaanka oo loo gudbiyay Mooshin loogu yeerayo Ra’iisul Wasaaraha 20/09/2018 Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyey Kororka COVID-19 13/05/2020 Ciidamada dowladda oo dib uga soo baxay Magaalo ay qabsadeen & Al-Shabaab oo la wareegay 10/07/2023 Dhageyso;- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 16/09/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.