Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho written by Warsan Radio 06/07/2022 Alle ha u Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenleey qarax loogu xiray Gaarigiisa lagu dilay Xaashi Cumar oo ahaa muwaadinkii Somaaliyeed ee u xirnaa Dawladda Talyaaniga muddo 19 sano, balse markii la soo daayay dhawaan helay Lacag magdhow oo gaareysa $5 Milyan.Cumar Xaashi ayaa dowladda Talyaaniģa waxaa ay u heeysatay inuu ka dambeeyey dil Magaalada Muqdisho loogu geystay gabar wariyaha ahayd oo lagu Magacaabi jiray llaria Alpi 20-kii Bishii Maarso sanadkii 1994-tii, Hayeeshee markii dambe wax dambi ah lagu waayay.Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Xaashi dhaawac culus oo markii hore kasoo gaaray qaraxa uu ugu geeriyooday mid kamid ah Isbitaallada kuyaalla Magaalada Muqdisho oo xaaladiisa lagula tacaalayay.Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo muddo kooban xiray waddooyinka soo gala Goobta, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa iyo dad loo qabtay.laamaha Amniga Soomaaliya iyo Maamulka degmada Dharkeenleey ayaan weli ka jadlin qaraxa waxaana uu kusoo beegmayaa xilli magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay ay ka yaraadeen qaraxyada gawaarida dadka loogu xiro.Xaashi Cumar ayaa dowladda Talgaaniga waxaa ay xabsiga kasiideysay sanadkii 2016-kii kadib markii lagu waayay dambiga ahaa in uu ka dambeeyay dilka gabar wariye ahayd oo ka tirsanayd Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday, kuwaas oo Muqdisho u yimid baaritaanka eedeymaha sheegayay, in shirkaddo laga leeyahay Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey kooxeedyadii Soomaaliya. Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa next post Kulan u socdo Madaxweyne Xasan Sheekh & dhiggiisa Turkiga You may also like Golaha Wasiirada oo ansixiyay Qaraar la xiriira deegaannada laga saaray Al-Shabaab 24/11/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 09/08/2020 Qaramada Midoobay oo sheegtay in malaayin qof aysan wali gaarin gargaarka bini’aadanimo ee gobolka Tigreey 03/09/2021 Bashar al-Assad oo markii afraad loo dhaariyay xilka madaxweynaha Suuriya 18/07/2021 Madaxweyne Deni muxuu kala hadlay Taliska Ciidanka Booliska Puntland? 28/06/2022 Mucaaradka Puntland oo War Cusub kasoo saaray Xaalada jirta iyo Doorashadda 14/10/2023 Xiisad cusub oo ka dhex curatay Iran iyo Ruushka 13/07/2023 Dhageyso: Barnaamijka Bandhiga Idaacada Warsan 06/06/2023 Dalalka Iran iyo Ciraaq oo iska kaashanaya dhanka Tamarta 03/05/2021 Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay jadwalka doorashada 13 Kursi 04/02/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.