Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Dhageyso;- Barnaamijka Dhacdooyinka Caalamka 31/10/2022 Munaasabad Ku Aaddan 1-Da Luuliyo Oo Lagu Qabtay Magaalada Dhuusamareeb 01/07/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 07/12/2020 Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo mowqif cad ka qaatay Arrinta Garbahaareey 18/02/2022 Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan kula wareegay Kunturwaareey 14/08/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 12/01/2020 Tigray oo dagaalka Itoobiya ku afduubatay 10,000 oo askari iyo wararkii u dambeeyey 05/12/2020 Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday DF 10/10/2020 Kulan ay yeelan lahaayeen Golaha Wakiilada Somaliland oo baaqday 22/05/2022 Xubin ka tirsanaa AL-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda Somalia 25/10/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.