Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 01/09/2020 Xukuumadda Somalia oo Maanta Imaaraadka ku wareejisay lacagtii horay looga xayiray 19/05/2022 Wafuud ka socota beesha caalamka oo Garowe kula shirsan madaxweyne Deni 29/11/2020 Khasaaro ka dhashay Dab ka kacay Suuqa Magaalada Jowhar 02/10/2023 Dhageyso: Warka Galab ee Idaacada Warsan 25/09/2022 Guddiga DFS u matelaya Dacwada Badda oo u ambabaxay Magaalada Hague 08/03/2021 Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Shaacisay Kiisaskii Ugu Dambeeyey Coronavirus 08/07/2020 Booliiska Soomaaliya oo sheegay iney gacanta ku dhigeen nin dhawaan Xaaskiisii ku dilay Muqdisho 06/06/2021 Al-Shabaab oo weerar dhimasho iyo burbur hantiyadeed geystay ka fuliyay Kenya 27/11/2023 Wasiir Goodax oo kulan la qaatay qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed 09/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.